Rag soo dhacay $10,000 oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa galabta shir jaraa’id qabtay, isagoo shaaciyey in lasoo qabtay dad badan oo loo heysto dhac dadweyne, kuwaas oo shabakad lacag badan dhacday ay ku jirto.

Kiisaska uu boolisku soo bandhigay waxaa ugu weyn in lasoo qabtay rag dhacay 10 kun oo doollar, waxaana ku socota baaritaan, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

“Waxaa lasoo qabtay dad dhacay lacag gaareysa 10 kun oo doolar, kuwaas oo ahaa shabakad isku xiran oo dadka ku dhacay qaab farsameysan, baaris ayaana ku socota ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen burcaddii ugu badneyd, kadib howlgallo qaatay laba toddobaad oo laga sameeyay gudaha caasimada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tirada dadka lasoo qabtay ku sheegay inay gaarayaan 70 ruux oo qaarkood kasoo muuqday baraha bulshada, iyaga oo gaysanaya dhac toos ah.

“Ilaan 70 oo isugu jiro dhac hubeysan iyo dad dhacay lacag gaareyso $10 kun oo shabakad ahaa si farsameysan uga dhacay dadkii lahaa hantidaas ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in dhammaan dadkan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Dadkan waxay isugu jiraan kuwa toos maxkamadda loo horgeyn doono oo cadeyntoodii wata iyo kuwa baaris ay u dhiman tahay, lana caddeyn doono dambigooda” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka Booliska.