Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka soo dacwooday wasiir ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa soo saaray bayaan ay ku joojiyeen, dacwana uga gudbiyeen wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhowr qodob ka kooban.

Wasaaradaha warkaan soo saaray oo wasaaradda caafimaadka Puntland kaliya ay ka maqan tahay ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ay caqabad weyn ku tahay mashaariicda caafimaadka ee dalka ka socota.

Wasiirrada ka dacwooday wasiirka caafimaadka dowladda dhexe waxay sheegeen in bishii 3-aad ee sanadkaan ay kula kulmeen Muqdisho, isla markaan tabashadii iyo wadashaqeyn la’aantii ay ka cabanayeen aan ilaa hadda waxaba laga qaban, sidaas darteed ay hadda ku qasbanaadeen inay xiriirka u jaraan wasaaradda caafimaadka heer federaal.

Wasiirada dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay ka jawaabayaan warqad cabasho ah oo uga timid agaasimayaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir, waqadaas waxaa ku cad dhamaan caqabadaha taagan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1- In wasaaradda caafimaadka heer federaal ay hey’adaha ku amartay in aysan la shaqey karin wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

2- In Mashruuca Damal Caafimaad oo Bangiga Adduunka uu maalgelinayo, qeybtiisa wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada ay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka caqabad ku noqotay in laga faa’iideysto, isla markaana ay khasaareyso lacag dhan 25 milyan oo doolar.

3- In Mashuuca COVID-19 aysan waxaba ka dhaqaaqin oo wasaaradda heer federaal ay xayirtay, isla markaana uu ku egyahay 2025 isagoo wax cusbooneysiin ah aan laheyn, taasi oo ka dhigay inay khasaareyso lacag dhan 48 milyan oo doolar.

4- In mashruuca CCU shaqaalihii loogu tala galay isbitaallada caafimaadka aan la qaadan oo muddo sanad ah uu wasaaradda caafimaadka heer federaal u xayiran yahay, mashruucaas ayaa dhacaya Abriil 2025.

Qodobada ay ku xusan yihiin caqabadaha ay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyadu ku qabaan wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka, waxay gaarayaan 12 qodob oo warqadda aad ka akhrisa kartaan.

Sidoo kale waxay dacwo u gudbiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, iyagoo u sheegay inay wasaaradda caafimaadka heer federaal ay ku heyso caqabado isugu jira kuwo lasoo dhaafay, kuwo hadda taagan iyo kuwo soo wajahan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka wasiirrada: