Ciidamada Liyu Boolis oo laayay dad badan oo SHACAB ahaa

Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahinoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelle ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxa uu dhex-maray ciidamada Liyu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ku sugnaa duleedka degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku baxay muran ka taagnaa halkaas ay isku dhaceen maleeshiyaadka deegaanka, waxaana goobta oo ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah ku dhintay ku dhowaad 20 qof.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixiyay dhacdadan ayaa sheegay in goobta lagu dilay shacab badan, kuwa kalena ay dhaawacmeen, halka qaar kalena la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

“Hoggaanka nabad galyada gobolka Shabeele dadki ay kulaayen duleedka Cadaadle wax dhintay iyo wax dhaawac ah iyo wax baxsaday oo ilaa hada la’layahay ayay noqden dadba dhiig bax u dhintay o wax qaada waayay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaayo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaas shacabka lagu laayay ee lagu eedeeyay ciidamada Liyu Boolis.