Nin iyo xaaskiisa oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduuud + Sababta

Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Galgaduud, kadib markii hal goob lagu dilay nin iyo xaaskiisa oo ay weerareen maleeshiyaad hubeysan.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado ee gobolkaasi, waxaana lasoo wariyay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil.

Marxuumka ayaa kasoo jeeday Cadaado, waxaana lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar, ayada oo lala dilay xaaskiisa, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda, kaas oo sidoo kale dab la qabad siiyay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuuna sheegay in loo dilay aano qabiil darteed, ayada oo ay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi oo lasoo wariyay inay kasoo jeedaan dhanka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud.

“Allaha u naxariistee waxa ay maleeshiyaadku dileen nin la yiraahdo Cilmi Cumar iyo naagtiisa, waxaana dilay maleeshiyo ka soo jeedo beesha degtay Gadoon oo gabadha iyaga ayay islahaayeen, ninkuna dhinaca Cadaado ayuu kasoo jeeday, hal goob ayaana lagu dilay  guriga ayaana loogu tegay” ayuu yiri.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan dilka argagaxa leh ee loo gaystay dadkaasi.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay dagaallo ka socdeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo ku sugan halkaasi.