Dagaal xooggan oo maanta dib uga qarxay gobolka MUDUG + Khasaaraha

Towfiiq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in daaal beeleed lagu hoobtay uu maanta ka dhacay deegaanka Buuq oo hoostaga degmada Towfiiq oo dhacda bariga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa soo bilowday gelinkii dambe ee shalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan rayid iyo dhinacyadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka dagaalamay oo helayo gurmadyo kala duwan, taas oo uga sii dareysa xiisadda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalka lagu hoobtay ee dib uga qarxay gobolka Mudug.

Wuxuu dagaalka kusoo aaday, xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay Galmudug iyo Puntland ku howlanaayeen sidii loo baajin lahaa coladda deegaankaasi oo muddo dheer soo jiitamaysay siweynna u ragaadisey horumarka deegaandaasi.

Si kastaba, gobollada dhexe ayaa waxaa kusoo laa laabta colaado sokeeye, waxaana dagaallo kala duwan ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.