Muxuu yahay gantaalka uu Ruushka ka cabsi qabo in lagu soo weeraro dhowaan?

Moscow (Caasimada Online) – Waxaa jira astaamo muujinaya in Maraykanka iyo UK ay maalmo gudahood Ukraine uga qaadayaan xayiraadda ka saaran in ay gantaalada ridada dheer ee ay siiyeen ku weerarto bartilmaameedyo ku yaal gudaha Ruushka.

Ukraine ayaa horay u haysatay gantaaladan, laakiin waxay rukhsad u haysataa oo qura in ay ku rido bartilmaameedyo ku eg xayndaabka soohdinteeda. Ukraine ayaa in muddo ah ka tuugeysey dalalka gantaallada ugu deeqay in ay xayiraadda ka qaadaan si ay ugu duqeyso goobo ku yaal gudaha Ruushka.

Haddaba maxay dalalka reer galbeedku uga cago-jiidayaan tillaabadan, maxayse gantaaladani ka beddeli karaan gooabaha dagaalka?

Waa maxay Storm Shadow?

Storm Shadow waa gantaal nuuca joogga hoose ku duula ah oo ay wada sameeyaan dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, kaas oo ridadiisu gaareyso fogaan dhan 250km (155 miles). Faransiisku waxay uga yeeraan Scalp.

Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa horay u siiyey Ukraine gantaaladan, laakiin waxay ku xireen sharuud ah in Kiev ay u adeegsan karto bartimaameedyo ku yaal gudaha dalkeeda oo qura.

Gantaalkan ayaa waxaa laga ridaa diyaarad xiimeysa, ka dibna wuxuu si iskiis ah ugu duulaa xawaare aad u sarreeya, isaga oo joog hoose ku gooshaya, ka hor inta uusan isagoo qarax xooggan xambaarsan ku hooban bartilmaameedkiisa.

Storm Shadow ayaa loo arkaamid ku habboonb daloolin dhismeyaasha shubka ka sameysan ee lagu keydiyo rasaasta iyo agabka kale ee dagaalka, kaas oo Ruushku u adeegsado duulaanka uu ku hayo Ukraine.

Laakiin marka la eego qiimaha gantaalkan oo halkii xababa ku kaceyso ku dhowaad 1 milyan oo Doolarka Mareykanka ah, iska rid maaha. Wuxuuse u baahan yahay in si beeqaansan loo isticmaalo. Sida in lagu dhex daro raxan diyaaradaha iswada oo raqiis ah, si loo daaliyo, islamarkaana jahowareer loogu rido difaaca lidka gantaallada.

gantaalka Storm Shadow waxaasi weyn loogu adeegsaday in lagu burburiyo saldhigyo ay ciidamada badda Ruushku ku leeyihiin Badda Madow, sida dekedda Sevastopol ee gobolka Cremea..

Justin Crump, oo ah khabiir arrimaha militariga ka faallooda islamarkaana madax ka ah shirkad la yiraahdo Sibylline, ayaa sheegaya in gantaalka Storm Shadow uu si weyn uga dhex muuqday hubka Ukraine, islamarkaana uu daqarro culculus gaarsiiyey bartilmaameedyo Ruushku ku leeeyahay dhulka uu ka haysto Ukraine.

“La yaab ma leh Kyiv u ololeyso in laga qaado xayiraadda ka saaran in ay gantaalka Storm Shadow ku weerarto gudaha Ruushka., gaar ahaan garoomada diyaaradaha dagaalku ka soo duulaan”, ayuu yiri Justin Crump.

Maxay Ukraine hadda u daneyneysaa gantaalkan?

Magaalooyinka Ukraine iyo goobaha furinta hore ku yaal ayaa wehel u noqday weerarro joogto ah oo uga imaanaya dhanka Ruushka, ku waas oo laga soo qaado maraakiib taalla badda Madow. Gantaallada lagu duqeeyana waxay u badan yihiin kuwo aalaaba halakeeya goobaha ciidamada, iyo sidoo kale xarumaha halbowlaha u ah adeegga bulshada, sida isbitaallada.

Kyiv ayaa had iyo goor ku catowda in gardaduub loo xiray maadaama aan loo ogoleyn in ay duqeyso saldhigyada laga soo qaado weerarrada uga imaanaya Ruushka.

Madasha Amniga Globec oo bishii hore ka dhacday magalaada Prague ayaa laga sheegay in saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushku ay ka difaac adag yihiin goobaha shacabka Ukraine.

Ukraine ma haysato hub iyo hal-abuur ay u gacan bannaan tahay si ay isaga caabbiso hadimada ku soo foogan, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo masaafo dheer gaari kara, si ay u soo burburiyaan saldhigyada laga soo maleego duullaanka Ruushka.

Isha: BBC