Farmaajo oo war cusub soo saaray una tacsiyeeyey umadda Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Ugaaskii beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde ayaa Umadda Soomaaliyeed, ehlada marxuumka iyo Bahda Dhaqanka uga tacsiyeeyey geerida Ugaaska.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde ayaa maanta ku geeriyooday dhulka barakaysan ee Maka Al-mukarama, Ugaaska ayaa muddo xanuunsanaa.

“Ugaasku waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna door ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo nabadda dalka, isagoo xilliyo adag ka soo shaqeeyey horumarka iyo xasilloonida deegaannada Koonfurta dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa Alle uga baryayay Marxuumka in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.