Deni iyo Qoor Qoor oo ku heshiiyay 4 qodob oo xasaasi

Gaalkacyo (Caasimada Online) –Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa heerarka kala duwan ee hay’adaha labadaas maamul oo daris, ayada oo diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirkan saacadaha uu socday looga hadlay heshiisyadii ay horay u gaareen labada maamul, gaar ahaan guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee u baahan in haatan xal loo helo.

Intaasi kadib Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiisyay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:-

1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.

2-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday.

3-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato.

4-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn waxay labada madaxweyne boggaadiyeen wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Puntland iyo Galmudug, iyaga oo bulshada labada maamul uga mahadceliyay sida ay uga shaqeeyaan amniga iyo nabad-gelyada deegaanka.