Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada S/Land + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Koomiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta tallaabo u qaaday doorashada maamulkaasi, waxaana shahaadooyinka musharraxinimo uu guddoonsiiyay musharixiinta u taagan madaxweynaha ee maamulkaasi.

Munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxaa shahaadada musharraxinimo ku qaatay saddexda musharrax ee xisbiyada Somaliland oo kala ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka sharaxan xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbiga UCID .

Sidoo kale saddexdaan xisbi iyo sidoo kale ururada kala ah Kaah, Hilaac, Barwaaqo, Rajo, Talo Wadaag, Shacabka iyo Horseed  ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan doorashada ururada oo ku lamaanan doorashada madaxtooyada.

Diyaargarow xoogan ayaa haatan ka socda Somaliladn, kaas oo ku aadan doorashooyinka isku sidkan ee dhici doona 13 -ibsha November, kuwaas oo si weyn loogu loolami doono.

Sida qorshuhu yahay olola doorashada ayaa si rasmi ah u bilaabmi doono soo socota ee October, iyada oo musharixiinta saddexda ah ee is diiwaangeliyay  ay u tartami doonaan xilka madaxweynaha, halka ay madaxda ururaduna isku dayi doonaan in ay ururadooda u raadiyaan cod gaarsiiya xisbinimo.

Muddo dheer ayaa waxaa khilaaf xoogan uu ka taagnaa doorashada Somaliland, kaas oo sababay in muddo laba sano ah dib looga dhaco waqtigii loo asteeyay doorashadaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa hada u diyaar garoobeyso doorasho xasaasi ah oo ay ku loolami doonaan xisbitada talada haya Kulmiye oo wajihi doona Wadani iyo UCID.