Daawo: Sheekh Bashiir oo si yaab leh u weeraray Wasiir Saalax iyo khilaaf diini ah oo qarxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si adag ugu jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS Saalax Shariif oo hadal ku weeraray culimada Hawaabiyada.

Sheekh Bashiir oo kamid ah culimada Hawaabiyada ayaa hadana ka tirsan wasaaradda Diinta, wuxuuna si afag ugu jawaabay wasiir ku xigeenkiisa diinta.

Sheekh Bashiir ayaa Wasiir Saalax ku eedeeyey in uu la kala saftay culimo isku heysa mas’alo diini ah, taasna aan looga baahneyn qof siyaasi ah.

Wasiir Saalax Shariif ayaa shalay xafladii Mowliidka ee Culimada Ahlusunna ka sheegay in culimadii Wahaabiyada ay u soo kala dhuunteen dowladda, isla markaana ay ka waantoobeen ololahoodii, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in culimada Wahaabiyada ee diidan xuska dhalashada Nabiga NNKH ee Mowliidka ay sii yaraanayaan, isagoo ku hanjabay in Masaajida ay gacanta ku hayaan la garanayo oo dowladda ay u tira-kooban yihiin.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay siyaasiyiinta ay shacabka kala qeyb geli karaan munaasabadaha, balse wuxuu Wasiirka ku eedeeyey inuu ka hadlay mas’alo diini ah oo hadana uusan aqoon u laheyn.

Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa ku dooday in weli ay qabaa in munaasabada mowliidka ay Bidci yihiin, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala doodaan mas’aladahaas.

Hoos ka daawo