Xog: DF oo ka hortagtay qorshe halis ah oo ay wateen Laftagareen iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hor istaagtay qorshe halis ah oo Itoobiya iyo Maamulka Laftagareen ay iska kaashanayaan, qorshahas ayaa ciidamo badan lagu geynayaa magaalooyinka Baraawe, Marka iyo magaalooyinka kale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Itoobiya iyo Laftagareen ayaa qorsheeyey inay ciidamo badan diyaarado uga soo qaadaan Baydhaba, isla markaana ka dejiyaan Baraawe, balse dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay, kana hortagtay qorshahaas.

Shalay iyo maanta waxaa la hakiyey labo diyaaradood oo doonayey inay ciidankaas kasoo daabulaan magaalada Baydhaba, kana soo dejiyaan, lamana oga tallaabada xigta ee Laftagareen iyo Itoobiya ay qaadi doonaan.

Caasimada Online waxay ogaatay sababta ka dambeysa in K/Galbeed ciidamo geyso Baraawe, halka dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay qorshahaas, maadaama ay wadato qorshe ka duwan.

Laftagareen ayaa qorsheynaya inuu qabto doorasho u dhaceysa sida uu rabo, halka dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in hadii Laftagareen uu qaba waayo doorasho rasmi ah ay doorasho kale ku qabato Baraawe.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya oo Laftagareen kala shaqeyneysa qorshihiisa ayaa Baraawe u arka muhiim, balse dowladda ayaa ku fahantay, kana hortimid qorshahaas.

Caawa waxaa Muqdisho ku shiray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka, iyagoo ka wadahadlay sida laga yeelayo Laftagareen, hadii uu diido doorashada.