Mareykanka oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxayna ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho. 

Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda. 

Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed. 

“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. 

“Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.” 

Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya, balse aanay cidna aqoonsaneyn. 

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah badda Somaliland oo ay kireysato, halka Somaliland ay sheegtay in ay aqoonsi ka heleyso Itoobiya, inkasta oo Addis-Ababa aysan weli xaqiijin middaas. 

Soomaaliya ayaa heshiis kasta oo lala galo Somaliland, ayada oo aan fasax laga haysan, u aragta xagudub lagu sameeyo madax-banaanideeda qaran. 

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara.

Si rasmi ah loma ogga, sababta shirkaasi oo Turkigu dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.

Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan.

Wasiirka Arrimaha dibeeda Somalia, Axmed Fiqi ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore ka sheegay Muqdisho in Soomaaliya ay ka fikirayso inay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay dowladda Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa iyadu wali u muuqata inay ku adkeysanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, iyadoo sidoo kale ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay dhaq-dhaqaayo ka wadaan.