Xog: Maxaa ka jira in DF ay hakisay duulimaadyadii diyaaradaha ee Baydhaba?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn la iskula dhex marayay warar sheegayay in la hakiyay duulimaadyadii magaalada Baydhabo, sababo la xiriira khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online oo la hadashay xubno ka tirsan maamulka garoonka Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in wararka sheegay in la hakiyay duulimaadyadii Baydhabo ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaa idin caddeynayaa in aan la hakin duulimaadyadii diyaaradaha ee Baydhabo, wararka la wareejinayo waa kuwa aan sal iyo raad toona laheyn,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha garoonka ee la hadlay Caasimada Online..

Duulimaadyada ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya, ayada oo labo diyaaradood oo kala ah Royal Air iyo National ay saaka duulimaadkooda yahay Baydhabo, kuwaasi oo xilligan ku howlan diyaar-garowga duulimaadkooda ay ku tagayaan Baydhabo.

Inkasta oo ay jiro xiisada siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, haddana waxa maalmihii dambe soo baxayay warar u badnaa been abuur oo hurinaya xiisadda labada dhinac.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay Villa Somalia dadaal badan ku bixineyso sidii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u iman lahaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.