Xog: Xasan oo Baydhaba tegaya xilli Itoobiya ay Lafta-gareen ku riixayso…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tego magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa raba inuu natiijo wax ku ool ah ka gaaro xal u helista xiisadda ka dhex aloosan dowladdiisa iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen.

Socdaalka madaxweynaha ee Baydhabo ayaa imanaya xilli ay guul-dareysteen dadaalladdii u dambeeyay ee la sameeyay, si magaalada Muqdisho loo keeno hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban, oo la fahamsan yahay inuu ka shaqeynayo Cabdicasiis Lafta-gareen kadib khilaafka dowladda dhexe ee salka ku haya Itoobiyaanka, madaxweynaha ayaa doonaya in uu qanciyo Lafta-gareen.

Lama oga in Xasan Sheekh uu Lafta-gareen ku qancin karo labada arrin ee isa-saaran, waa bixitaanka ciidanka Itoobiyaanka iyo in uusan qabsan doorasho gaar ah, oo uu ka cabsi qabo in albaabada u furto maamullada kale iyo tiisaba.

Xiisadda labada dhinac oo soo shaac baxday kadib markii dowladda dhexe ay shaacisay go’aanka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee jooga xooggooda deegaanno katirsan dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay muddo soo huursaneyd oo aysan ka madhneyn damaca soo laabasho ee Lafta-gareen.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa haddii uu ku guuleysto qancinta Cabdicasiis Lafta-gareen waxay dharbaaxo kale ku noqon doonta xukuumadda Abiy, oo ayadu fursad weyn u aragta kala taga labada dhinac, maadaama ay dowladda dhexe meel adag iska taagtay qorshaha Itoobiya ku qaadaneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.