Safiirada Carabta ee jooga Somalia oo ku dhawaaqay gole cusub + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Carbeed ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin, waxaana Muqdisho ay ku qabsadeen munaasanad ballaaran oo ay ku shaacinayeen dhismaha golahaasi cusub.

Munaasanadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayada oo sidoo kale joobjoog ahaayeen  dhammaan safiirada Jaamacadda Carabta u fadhiya gudaha Soomaaliya.

Ujeedka golahan loo dhisay ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka waddamada Carbeed iyo Soomaaliya, si sare loogu sii qaado iskaashiga dalalka iyo Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda furitaankan golahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya  safaaradaha Carabta ee dalkeena.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xadgudbka ay kula kacday Itoobiya.

Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer laleh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.