Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u direy Joe Biden ee la gaarsiiyay?

Washington (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalkaasi Daahir Xasan Carab oo horay u ahaa guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Simad.

Danjire Daahir Carab oo si toos u guda galay shaqadiisa diblumaasiyadeed ayaa ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay Joe Biden, kadib markii uu ka qabtay warqadaha aqoonsiga.

“Madaxweynaha Mareykanka maanta waa la kulanay waxaana u gudbinay warqadaha aqoonsiga oo si rasmi ah nooga qabtay” ayuu yiri danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Washinton.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in fariin uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ummadda Soomaaliyeed uu gaarsiiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Binde. “Waxaan gaarsiiyay salaan aan ka waday Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri mar kale yiri danjiruhu.

Dhinaca kale Daahir Carab oo wareysi siiyay  VOA ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, isla markaana uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

“Waxaan is weydaarsanay muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa” ayuu sii raaciyay

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray “Wuxuu madaxweynahu ballan qaaday inuu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay dib ugu soo kaban lahayd arrimaha nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo tacliinta”.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir qoto dheer iyo iskaashi buuxa, waxayna Washinton qayb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.