Fariisimo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab oo la bur-buriyay + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maalintii labaad waxay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan deegaano dhaca gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan oo lagu bur-buriyay fariisimo ay laheyd kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay aagga tuulada Caanoole oo dhanka Koonfureed kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxar-diid oo la hadlay warbaanhinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay bur-buriyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulada Caanoole.

Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu nadiifiyay deegaano ay kooxda ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah oo dhaca gobolka Jubbada Hoose.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka socday howl-galo deegaano badan looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo sanadihii dambe ay ka talinayeen.

Howl-galkan ayaa sidoo kale imanaya xilli gobollada dhexe uu haatan ka socda howl-gallo culus oo ka dhan ah Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo xooggana la isugu geynayo maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo weli kooxda ku xoogan tahay.