DF Soomaaliya oo war kulul kasoo saartay hub Itoobiya ay soo gelisay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay hub si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaana la geeyey deegaanada Puntland.

Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga walwalsan tahay ‘shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu dirtay’ gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya, lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay u aragto mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya.

“Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo horay looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

“Shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa jira,” ayaa lagu yiri warka dowladda federaalka Soomaaliya.

Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku tiri, “Waxaan ugu baaqeynaa saaxiibbada Gobolka iyo kuwa caalamiga ahba inay cambaareeyaan xadgudubkan, islamarkaana ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.”

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli sii adkeysaneyso go’aankeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan iskaashiga nabadda, oo ku dhisan ixtiraamka xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka oo dhan.