Israel oo duqeyn ku dishay abaanduule sare oo ka tirsan Xisbullah

Beyruut (Caasimada Online) –  Israa’iil ayaa duqeyn naadir ah oo ay Jimcihi shalay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.

Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu khaarijiyay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan.

Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda, sida uu yiri.

Goor danbe oo xalay ah, ayay Xisbullah xaqiijisay dilka Caqiil. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa.

Akil ayaa kasoo mid noqday golaha ugu milatariga Xisbullah ee loo yaqaanno Golaha Jihaadka. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii sannadki 1983-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka iyo saldhigi ciidanka badda Mareykanka ee Beyruut, halkaas oo lagu dilay in ka badan 300 oo qof.

Duqeynta lagu dilay Ibrahim Caqiil ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisad cusub oo u dhaxeysa Isra’il iyo Xisbullah, taasoo keentay cabsi laga qabo in dagaal buuxa uu ka qarxo Bariga Dhexe.

Isha: VOA