Maxaa ka jira in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen garoomada gobolka GEDO?

Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo, arrinta ciidamada Itoobiya eek u sugan gobolkaasi..

Cali Xaashi oo wax laga waydiiyay wararka la xiriira in garoomada Gedo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa beeniyay warkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay horay u joogeen gobolka, hadana ay ku sugan yihiin, balse aanu jirin garoon ay si buuxda ula qabsadeen.

Sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga muujiyay ciidamo badan oo Itoobiya ay soo gelisay gobolka, si ay dhaq-dhaqaaq uga sameeyaan halkaasi.

“Ma fahmin in la leeyahay gobolka Gedo, Itoobiyaankii ayaa la wareegay ciidamada Itoobiya awalbaka gobolka waa joogee ee ma ciidamo cusub baa yimid miyaa laga wadaa ma kuwii joogay ayaa meelo horleh la wareegay miyaa laga wadaa ma fahmi karayo” ayuu yiri Cali Xaashi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Jubbaland oo lagu xaqiijiyay in Gedo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.

“DFS qoraal rasmi ah oo kasoo baxay oo ay ku leeyihiin Itoobiya ayaa la wareegtay ma jiro, inta aan xogta hayo sidoo kale ma jirto Gedo waxay ka tirsan tahay Jubbaland qoraal cad oo ay dowladda Jubbaland soo saartay oo leedahay waxaa la wareegay Itoobiyaan baa la wareegay ma jiro” ayuu sii raaciyay.

Taliyihii hore ee amniga Gedo wuxuu qiray in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin inta badan degmooyinka gobolka, balse aanu awood u laheyn in garoon ay qabsadaan ama ay dad u diidaan.

“Ciidamada Itoobiyaanka waa joogaan gobolka, horayna waa u joogeen  oo waxay ka howlgalaan inta badan degmooyinka oo dhan, marka hadda sax ma’aha warka la baahiyay” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan wuxuu ksuoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay dhaq-dhaqaaq ay Itoobiya ka bilowday gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda dhexe.