Taabit oo u jawaabay Xasan : In saq-dhexe la isku duullo, duul baa ku jabay hortaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa ka falceliyay khudbaddii uu Jimcihii shalay jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso arrinta midnimada, isaga oo sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan wanaagga iyo wadajirka dalka iyo dalka..

Taabit aya sheegay in marka hore madaxweynaha loog baahan yahay inuu qaado tallaabo la xiriirta kuwa aflagaadada gaystay eek a tirsan dowladdiisa, si loola xisaabtamo, maadaama uu gef ka dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne haddii ficilkaagu khayr iyo wanaag yeesho dadkuna intaa iyo in la eg ka fillo, balse marka hore kuwa aflagaadada gaystay ee dowladdaada ka tirsan tallaabo ka qaad, markaas bay rummoobeysaa wanaagga isku kaashada, xumahana iska reeba” ayuu qoraalkiisa ku yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrinta xakameynta hubka, isaga oo ka horyimid go’aanka Xasan Sheekh ee ah in saq-dhexe la weeraryo cid kasta oo haysata hub sharci darro ah, wuxuuna taasi beddelkeeda ku taliyay in la raaco habraaca iyo nidaamka loo dajiyay xakameynta hubka.

“Mida kale xakamaynta hubka habraac iyo nidaam dowladdeed soo ma lahan mise sagaal saac habeennimo in la is weerraro ayuu ka bilowdaa. In saqdhexe la isku duullo, duul baa ku jabay hortaa, dowladna laguma hagi karo” ayuu mar kale yiri Taabit.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag uga hadlay aflagaadada baraha bulshada loo marsiiyo qabaa’ilka iyo siyaasiyiinta, wuxuun cadeeyey in dowladiisa aan laga difaacin baraha bulshada, isla markaana uusan raali ka aheyn in dadka Soomaaliyeed lasoo aflagaadeeyo.

“Walaalayaal hadalada xun hala joojiyo, waxaba ma tarto, waa aduunyo iyo aaqiro beel, nin siyaaasi ah oo dadka ka soo horjeeda aad u aflagaadeyso, waxaba uma tareyso,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in siyaasadda aysan ugu jirin, isla markaana uusan jirin qof uu u wakiishay inuu soo aflagaadeeyo qofkii ka aragti duwan dowladda.

“Ma rabno, siyaasad iyo xukun noogama jiro inaad darteen dadka u aflagaadeysaan, qof walaal ah aflagaadadiisa darajo ku gaari meyno, cid aan howshaas u dirsanay ma jirto, hada kadib waxaan rabnaa qofkii horay dadka u caayi jiray inuu joojiyo, kii soo caayi rabayna uu ka waantoobo arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.