La-taliyaha Abiy Axmed oo kashifay qorshe halis ah oo Itoobiya ay ka damacsan tahay Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka shifay khatar badan oo ka jirta gudaha Soomaaliya iyo hiigsiga Itoobiyaanku ay ka leeyihiin kala qeybinta Soomaalida.

Ninkaan ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in dowladda Itoobiya ay garab ka heleyso qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay qarka u saaran inay ku biiraan dalka Itoobiya oo xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay cod ka heystaan, kaas oo u saamaxaya in maalmaha soo socda ay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wareysiga laga qaaday masuulkaan ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muujinaya in Soomaaliya ay halis ku jirto oo ay ku dhacayso dabinada loo dhigay, hadii dadka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan baraarugin.

La-taliyaha Abiy Axmed ayaa ku faanay inay Itoobiya taageereen shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hiiraan State, sida uu ku sheegay wareysigaan dadka gobolladaas wuxuu sheegay inay la dhacdan yihiin qorshaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland oo mar hore ay ku kala tageen siyaasadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hadda ka fekerayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Itoobiya.

“Xasan Sheekh wuxuu cadaadis kala kulmayaa maamul goboleedyadiisa, wax kasta waa uu ku fashilmay, dhowaana waxaad arki doontaan isagoo tabar dhigay,” ayuu yiri Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshe culus oo looga soo horjeedo imaashaha Gobolka ee Ciidamada Masar, kaasi oo suurtagal ka dhigaya in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, hadii uu ku sii madax-adeygo qorshaha uu ku soo dhaweysanayo Masaarida.

Ninkaan oo si yaab leh u hadlay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaarisay qorshe uu sheegay inay ugu biirayaan maamul goboleedyada qaar, halka tobanaan sano kadibna la arki doono Galmudug iyo HirShabeelle oo ku soo biiraya Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.