MASAR oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah Somaliland – Muxuu yahay?

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, xilli dhawaan ay Somaliland xirtay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa.

Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira.

“Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tiri safaaradda Masar ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay safaaradda ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada ay go’aamiyaan hay’adaha awoodda u leh ee dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxiixeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya ogolaansho u siinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale kusoo aadeysa todobaad un kadib markii Somaliland ay albaabada isugu laabtay Maktabadda dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howl-galayey u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.

Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya.