Sawirro: Madaxda amniga Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka yeelatay arrin khatar ku ah dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha sare ee hay’adaha ammaanka, isagoo kala hadlay xakameynta hubka sharci darrada ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray sida loo fulin karo qaraarkii golaha wasiirada Soomaaliya ay horey uga soo saareen mamnuucidda ka ganacsiga hubka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa loo sheegay sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabbooyin degdeg ah oo looga hortagayo kooxaha ka ganacsada hubka.

Dawladda ayaa ka baqdin qabta in hubka sharci darrada ah ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu kaalin weyn ku leeyahay colaadda qabaa’ilka, iyo suurtagalnimada in uu gacanta u galo kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag ayaa ugu baaqay bulshada in ay gacan ka geystaan soo celinta hubka gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka ku jira, si nabad waarta loo gaaro.

Maalmo ka hor deegaanada Puntland waxaa lasoo geliyey hubkii ugu badnaa oo sharci darro ah, kaasi oo ka yimid gudaha Itoobiya, shirkaan waxaa looga hadlay sida ay dowladda federaalku uga falceli karto arrintaas xasaasiga ah ee soo noqnoqotay.

Dawladda federaalka waxay horay u sheegtay in markii labaad muddo kooban gudoohood hub sharci darro ah uu dalka ka soo gudbay xuduudda xigta Itoobiya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas ku macneysay xadgudub kale oo madax-banaanida dalkeeda ay kula kacday Itoobiya iyo khatar soo wajahday gobolka Geeska Afrika.

Horay hubka la geeyey Puntland waxay Itoobiya u soo gelisay Galmudug, waxaana hubkii soo galay Galmudug lagu boobay magaalada Caabudwaaq, wuxuuna sidaas ku galay gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka abaabulan ee qabaa’ilka.