Shacabka oo ka walaacsan tallaabada dowladda qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo sii hurineyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya, ayada oo xalay dekedda wayn ee Muqdisho kula wareegtay hub uu siday markab ay soo dirtay dowladda Masar.

Hubka ayaa dekedda looga soo daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, waxaana la geeyay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar waxay sheegayaan in hubkan ay dowladda Masar siisay Soomaaliya, halka warar kalena ay ku warramayaa in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.

Hadda sidee looga falceliyay?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa si siyaabo kala duwan uga falceliyay hubkan soo galay gudaha dalka, kadib markii muuqaalo la helay lagu baahiyay baraha bulshada.

Inta badan shacabka ayaa walaac iyo walwal xoogleh ka muujiyay in dagaal uu ka qarxo Soomaaliya, isla markaana ay isku fara saaraan Itoobiya iyo Masar oo si weyn isku haya.

Maxamuud Darwiish “Weli lama arag lamana maqalin madaxweyne ogolaanaya in shacabkiisa lagu dhex dagaalamo dalka Soomaaliya wuxu geli doonna dagaal aan loo fiirsanin”.

Ibraahim Abuukar “Masar dadkeeda Soomaaliya way kala baxeysa, waxeyna diyaar u tahay inay la dagaalanto Itoobiya waxa meesha ku dhimanaayo waa Soomaali kaliya”.

Maxamed Cabdikariin “Ethopia hub faqiireed ayey soo galineysa Somalia, halka masar ay hub culus soo galineyso”.

Galad Cabdalle Cali “Saanad ciidan oo so dageyso wa qalad in ay shacabka arkaaan”.

Daahir Daacad “Cadowga ayaa kula dagaalameynaa hubkaas ee dowladda halagu garab istaago”.

Maxamed Cadde “Khatarta laga qabo in wadankaan dagaal ka qarxo waa sii kordheysaa maalinba maalinta ka dambeyso ee allow xasilooni noogu soo dabaal wadankeyna”.