SHUUTE oo ficil u beddalay go’aankii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Mudane Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay kulan xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ficil u beddalay go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex haysto gudaha caasimada.

Shuute oo digniinta madaxweynaha sideeda u qaatay ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagi doonno cid weliba oo faraha kula jirto hub sharci darro ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen xubno la shaqeeya ciidamada ammaanka oo marka lala wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu hayo.

Guddoomiyaa maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale uga digay saraakiisha dowladda inay arrintan qayb ka noqdaan, isla markaana iyaga oo laga faa’iideysanayo darajaooda aan loo dhiiban karin hub, haddii ay taasi dhacdana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan sarkaalkaasi.

“Waa dambi weyn in laga ganacsado hub, waa jariimo lid ku ah badqabka muwaadinka iyo badbaadada Dalka, waxaa kale oo dambi ah in iyada oo lagu gambanayo mas’uuliyad in hub lagu heysto guriga, ka garsoor Ciidan ahaan waxaa diyaar naga ah marka la fulinayo howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah Xeer Ilaaliye” ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Jimcihii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin digniin ah u diray cid kasta oo hub ku dhex haysata gudaha caasimada oo ay ku jiraan xubnaha mucaaradka, isaga oo sheegay in saq-dhexe la weerari doono guri kasta oo ay laamaha ammaanku ogaadaan inuu yaallo hub sharci darro ah.