Al-Shabaab oo qorsheeyey inay si yaab leh u dilaan guddoomiyaha deegaanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qorsheysay inay sariirtiisa ku disho guddoomiyaha deegaanka Lambar-konton ee gobolka Shabeellada Hoose, balse waa fashilmay qorshahaas oo ahaa mid halis ah.

Ciidamada amiga iyo maamulka ayaa iska kaashaday fashilinta dhagartaan, waxayna Al-Shabaab doonayeen inay sariirtiisa ku dilaan guddoomiyaha, maanta ayaa miinooyinkii lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla Lambar-konton.

Taliyaha Nabad Sugidda deegaanka Lambar-konton Maadey Caddow ayaa sheegay in markii 15-aad ay fashiliyeen qorshe ay Shabaab doonayeen inay ku dilaan guddoomiyaha deegaankaas.

“Khawaarijta waxaan leeyahay, miinadii aad ku dili rabteen guddoomiyaha waatan, Waa markii 15-aad oo aan fashilinay, intaas waxaa dabajoogteen guddoomiyaha,” ayuu yiri Taliyaha NISA ee deegaanka Lambar-konton Maadey Caddow.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in miinadaas uu soo dhiibay nin u dhashay beesha Biyomaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis.

Guddoomiyaha deegaanka Lambar-konton waa wiil yar oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud, kaas oo galabta shacabka deegaankaas kula hadlay goob fagaare ah, una sheegay in qofkii lagu helo xiriirka Al-Shabaab ay bartiisa ku tooga doonaan.

“Waxa loo socdo masuuliyiinta kaliya maaha, mustaqbalkiina ayaa khatar ku jira oo weerar lagu yahay, idinkaan idiin shaqeynaa, sidaas ayaa naloo beegsanaa, waligeen waa is beegsa doonaa Al-Shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha oo la hadlayey shacabka deegaanka Lambar-konton.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka ay ku amreen in barta uu joogo lagu dilo, “Wlh inaan Maxkamad loo raadi doonin ciidamadu amar buuxa ayey u qabaan inay bartiisa ku toogtaan,” ayuu yiri.