Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka shiray qorshahooda xiisada kala dhaxeysa Itoobiya

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Dalalkaan 3-da ah ayaa cadowgooda koowaad ee dunida u arka Itoobiya, waxayna sameysteen xulufo aan weli xoogeysan, balse waxaa jira dano badan oo ay iska dhex arkayaan.

Masar iyo Eritrea waxay go’aansadeen inay cudud military ku garab istaagaan dowladda Soomaaliya oo daandaansi culus kala kulmeysa Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa fursad weyn u aragta garabistaagga labadaan dal, waxaana u qorsheysan inay dagaal toos ah la gasho hadii laga fursan waayo, garabka ay ku tashaneyso waa 3 wadan oo kala ah Turkiga, Masar iyo Eritrea.

Shalay Muqdisho waxaa ku soo xirtay markab sida hub iyo agab military oo aad u badan, kaasi oo ka yimid dalka Masar, qorshaha socda ayaa muujinaya inuu jiro diyaar garow dagaal oo xoog leh.

Dowladaha Masar iyo Eritrea ayaa horay ula dagaashanaa Itoobiya, waxaana hadda xiisadda ku soo biirtay Soomaaliya, taasi waxay biday 3-da inay xulufo noqdaan, waxaana afar ku ah Turkiga oo soo garab istaagay Soomaaliya, diyaarna u ah inuu kaalin ka geyso difaaca dalkaan.