Maxaan ka ognahay hubka ay MASAR gaysay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeen hore waddooyinka magaalada Muqdisho lagu arkay gaadiid ciidan oo sida hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay muujinayaan muuqaalada ay duubeen dadkii ku sugnaa hareeraha laamiga oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Masawirada iyo muuqaalada qaar ayaa laga arkayay qaar kamid ah hubkii sida wararku ay sheegeen ay dawladda Soomaaliya ka heshay dalka Masar oo uu ka mid yahay madfac uu jiidayo gaari.

Kornayl Cabdullahi Cali Macow oo ka faallooda arimaha ammaanka iyo ciidamada ayaa sheegay “in qoriga la jiidayay uu yahay nuuc ka mid ah waxa loo yaqaano madaafiicda goobta ama Howitzer waxaana adeegsada ciidamada difaaca”.

Korneylku waxa uu sheegay in dowladdii dhexe ay lahaan jireen hubkaan iyo kuwo ka waaweyn balse haatan ay u muuqato in Soomaaliya ay dib usoo celineyso awoodeedii dhanka ciidamada iyo hubka.

Dakadda magaalada Muqdisho ayaa illaa shalay xirneyd iyada oo aysan dowladdu sheegin sababaha ay u xirneyd, balse waxaa jiray warar sheegaya in shalay dekedda uu ku soo xirtay markab siday hubkii la mariyay waddooyinka Muqdisho.

Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda ayaa aad u hadal hayay hubka la soo galiyay gudaha Soomaaliya, ee sida la sheegay laga soo dajiyay dekedda Muqdisho.

Warbaahinta qaar ayaa baahisay in hubkaan laga soo dajiyay markab laga leeyahay dalka Masar.

Muddooyinkaan danbe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, dhawaan ayayna ahayd markii diyaarad ka timid Qaahira taas oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaana heshiis amni waxa ay kala saxiixdeen bishii Agoosto ee sanadkaan.

Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid dalka masar ayaa noqonayaa kii labaad iyadoona kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka koobnaa oo ay ku jireen kuwo waaweyn.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar si faahfaasan ugama aysan hadlin hubkaan iyo kuwii ka horeeyay ee Muqdisho soo gaarayay.

Waxaa jira walaac ay muujineyso Itoobiya kaas oo ku aadan hubka kala duwan ee ka soo dagay dakadda Muqdisho, waxa ay sidoo kale dhowr jeer oo hore eedeyn iyo dhaliil u jeediyeen dalka Masar.

Itoobiya iyo Masar ayaa sanado badan isku qilaafsan biyo xireenka wabiga Niil.

Somaliland oo ka duuleysa heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar iyo xiisadda taagan haatan ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka saareyso muwaadiniinta dalka Masar, waxaana u badan macalimiin wax ka dhiga iskuulada Soomaaliland.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay ka walaac santahay hubka soo gaaray Muqdisho, waxa ayna ku tilmaamtay “in hubkaas uu gacanta u galikaro kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida oo ay kamid yihiin kooxda Al-shabaab sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland”.

Warbaahinta dalka Masar ayaa baahiyay in safaaradda Masar ee Muqdisho ay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, sababo la xidhiidha xaaladda ammaan ee gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa soo kala dhex galay khilaaf weyn kadib markii Addis Abab ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland oo ah jamhuuriyad iskeed madax banaani ugu dhawaaqday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in hub laga soo dejiyay dekeda Muqdisho kaas oo ka yimid dalka Masar, sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee Reuters.

Waa markii labaad oo hub si rasmi ah loo soo geliyo dalka, tan iyo markii sanadkii hore laga qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd muddo dheer.

Ku lug lahaanshaha Masar ee khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiisad ka abuuray gobolka, waxaana Somaliland oo heshiis is afgarad ah la gashay Itoobiya ay xirtay xaruntii dhaqanka iyo maktabadda Masar ee dhulkeeda.

Soomaaliya ayaa bilo ka hor eriday safiirkii Itoobiya, waxayna Itoobiya ka codsatay in ay diido heshiiska ay la gashay Somaliland, kaas oo ay ku sheegtay in uu ka hor imanayo madax-banaanideeda.

Isha: BBC