Shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya New York

New York (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmaya kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee QM oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida.

Shirka oo socon doona 24-ka ilaa 30-ka bishaan, waxaa furaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Cameroon Philemon Yong.

Shirkan ayaa waxaa sanadkan khudbad ka jeedin doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku-xigeen, labo amiir, 42 ra’iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku-xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku-xigeen iyo lix kale oo ergo ah.

Halku dhegga sanadkan ee kalfadhiga golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa ku saabsan in aan “cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku jira madaxda khudbadahooda jeedin doonta maanta.

Soomaaliya-na waxaa ku metelaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo isagu ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aas-aas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Shirkan oo sanadle ah ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in hogaamiyayaasha ay yeeshaan wada-tashiyo ku saabsan arrimo kala duwan iyo kulamo gaar-gaar ah oo quseeya danaha dalalkooda.