Ciidanka Macawiisleyda oo jab culus gaarsiiyay Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Helle ee hoostaga degmada Galcad, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo lagu gubay gaari ay wateen.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka oo helay xogta xubnahan ay weerar dhabagal ah ku qaadeen, kadibna ay dileen laba xubnood.

“Ciidanka ayaa khaarijiyay Laba dhagar qabe oo ka tirsan khawaarijta, waxaan lagubay gaari Cabdi bila ah oo ay booyadi ku rarneed” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka ay soo furtay qoray AK47 ah oo ay wateen xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah.

“Waxaa la furtay Qori AK- 47 ah oo uu ku hubeysnaa mid kamida khawaarijtii gaariga la socotay, waxa ayna ciidanku dhaamaan dab qabadsiiyeen Gaarigii ay wateen maleeshiyadu” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli aagga degmada Galcad howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka oo kaashanayaa kuwa dadka deegaanka.