Xildhibaan maanta loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa saaka lagu celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo doonayay inuu gaaro Baydhaba.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ayaa lasoo warriyay inay is-hortaag ku sameeyeen safarka xildhibaanka, waxaana laga reebay diyaaraddii uu raaci lahaa.

Xildhibaanka ay arrintan saameysay oo ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in laga baajiyay safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay oo ah deegaan doorashadiisa.

Ciirow ayaa si weyn u eedeeyay hoggaanka NISA ee jooga garoonka, isagoo uu tilmaamay inay ka dambeeyeen in laga hor istaago inuu raaco diyaaraddii ku socotay Baydhaba.

Horay sidaan oo kale waxaa iyadana loogu diiday inay Baydhaba aado Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle, inkastoo maalmo kadib loo ogolaaday inay tegto Koonfur Galbeed oo si weyn loo soo dhaweeyay markii ay ka degtay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud.

Arrimahan ayaa la xiriirinayaa xiisadda u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya, walow uu jiro heshiis hordhac ah oo ay labada dhinac ka gaareen khilaafka dhexdooda ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan safarka xildhibaannada lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xiisadda ka dhex aloolsan labada dhinac waxa ay timid markii uu maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan arrinta Itoobiya oo dowladdu rabto inay gebi ahaan ka baxdo dalka, laguna beddalo ciidan kumaan kun ah oo ka imaanaya Masar.