Qaraxyo lagu diyaariyay duleedka Kismaayo oo laga hortegay, kadib markii…

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen aagga tuulada Laagta Caanoole oo ay moonooyin ku aaseen xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay oo ka baxay Buulo-Xaaji ayaa sheegay inay ka war heleen qaraxyadaasi kadibna ay ku guuleysteen inay ka saaraan waddada, ayna qarxiyaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa qaraxyadaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka iyo ciidamada isticmaala halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay lagu jabiyay maleeshiyaadka, kadib dagaallo ay la galeen ciidanka Jubbaland.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.