Talyaaniga oo hakiyay fiisihii laga qaadan jiray safaarada uu ku leeyahay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa joojisay fiisaha Schengen ee laga bixin jiray safaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Go’aanka hakinta fiisaha oo ah mid si deg-deg ah u dhaqan-galaya ayaa wuxuu si weyn u saameynaya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo markii hore ku tiirsanaa safaaradda Muqdisho, si ay u helaan dal-ku-galka Schengen ee ay ku tegi karaan Talyaaniga iyo dalalka kale.

Safaaradda ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X, ee horey loo yaqaanno Twitter in la hakiyay dhammaan codsiyadii ay soo gudbisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

“Fadlan waxaa la ogaysiinayaa in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay si degdeg ah u joojisay bixinta dal-ku-galka ee Schengen ee dhammaan codsiyada ay qabato safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, wixii faahfaahin ah fadlan kala xidhiidh safaaradda Talyaaniga ee Nairobi,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaraddu ma shaacin sababaha loo hakiyay bixinta fiisahan, iyadoo aan la ogeyn goorta iyo haddii ay dib u bilaaban doonaan adeegyadii fiisaha ee safaaradda Muqdisho.

Talyaaniga ayaa ahaa dalka kaliya ee Yurub ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ogolaaday inay si toos ah Muqdisho uga dalbadaan fiisaha Schengen.

Hakintan ayaa noqon doonta caqabad weyn oo soo food saartay ardayda, ganacsatada iyo qoysaska booqanaya Yurub, maadaama dal ku-galka Schengen uu fududeeyo isu-socodka 27 waddan oo Yurub ah, wuxuuna doorka Talyaanigu ku leeyahay bixinta adeeggan u ahaa Soomaalida mid aad muhiim u ah.