Xasan Sheekh oo caawa magacaabay mas’uuliyiin reer Puntland ah oo Deni ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaaleynta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.

“Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ee Madaxweyne Saciid Deni ay siyaasadda isku hayaan ayaa intooda badan isku soo dhiibtay dowladda federaalka, si ay xilal uga helaan, waxaana oa mid ah xubnahaan caawa la magacaabay.

Sidoo kale waxaa jira xog sheegeysa in Asad Diyaano oo Saciid Deni kula tartamay madaxtinimada Puntland hadda loo magacaabi rabo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Xasan Sheekh ayaa maanta muujiyey saan-saan xil ka qaadis, kadib markii uu Taliska ugu tegay, hal darajana dalacsiiyey Taliyaha hadda jooga Sulub Axmed Firin.

Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda.

Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, kuwaas oo Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.