Soomaaliya oo su’aal gelisay in Abiy uu ka garaabi doono arrintii uu ku dhaqaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa eedeymo culus oo u jeediyay dowladda Itoobiya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay kala dhexeyso xiisad xoogan.

Fiqi ayaa marka hore ku eedeeyay Abiy inuu laayey dadkiisa, isla markanaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu laayay illaa hal milyan qof, sidoo kalena uu barakacayay 7 milyan oo kale.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu hadda doonayo inuu dhibaatada usoo xawilo Soomaaliya, balse wuxuu kula taliyay inuu xisaabtamo.

“Dalkiisii isaga ayaa burburinaya dadkiisa malyan kamid ah ayuu dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay 6 illaa 7 milyan dadkiisa ayuu qixinayaa dadkiisa ayuu maalin kasta diyaarado ku garaacayaa oo laynayaa  ninkaas sida qarda jeexa ah iyo xaaladdaas ku sugan in uu dhibaatadii dalkiisa uu ku abuuray uu raadsado xal kale oo uu Soomaaliya lasoo aado runtii isaga ayay tahay inuu kun jeer xisaabtamo” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhinaca kale wasiirka oo soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa su’aal geliyay in ra’iisul wasaaraha Itoobya in uu ka garaabi doono qaladka uu galay iyo xadgudubka uu gaystay isaga oo lasoo xiriirayo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Aniga ma ii muuqato isagoo sidaas sameeyay una bareeray waxaas in uu inta qarda jeexaas kasoo jiireyso uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro iima muuqato dariiqaas” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxay ahayd inuu ka fakiro laba in aysan is qaban Karin dal aan nabadgelyadiisa ciidamada  ilaalinayo kamid ahay, isla markaana aan ku xad-gudbayaa madaxa bananaadiiisa”.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Anakara, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay adduunka tusisay inay xal diyaar u tahay, laakiin weli caqabadda ay ka jirto dhinaca waddanka Itoobiya.

“Shirarkaas isku day uunbey ahaayeen oo aan adduunka ugu muujineynay in aan diyaar u nahay iyada oo shaatigeenna nagula haysto in aan haddana diyaar u nahay dal walaalaheenna ah oo haddana Tukri ah ay iyagu aadeen Itoobiyaanka oo ay yiraahdeen na dhex-dhexaadiya” ayuu kusoo gabagabeeyay.