Xasan ma wuxuu xiray albaabkii wada-hadalka Puntland kadib tallaabada uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wada-hadal, ayaa Villa Somalia oo aan wax jawaab ah ka bixin waxay qaaday tallaabooyin is xig-xiga.

Villa Somalia ayaa tan iyo markaas magacowday xubno ka tirsan mucaaradka Saciid Deni, kuwaasi oo si weyn isku hayeen muddooyinkii dambe, taas oo ay ugu dambeysay magacaabista Jeneraal Asad Diyaano.

Saciid Deni ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo dowladda federaalka Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe uu kala dhaxeeyay khilaaf xooggan.

Dadka qaar ayaa ku fasiray tallaabooyinkan in .adaxweyne Xasan Sheekh uu xiray irdaha wada xaajoodka, halka dhinacyo kale ay ku macneeyeen inuu Xasan Sheekh meeleeyo mucaaradka Deni ka hor inta aan wada-adalka bilaabmin.

Dhinaca kale, safarka dorraad loo diiday Xildhibaan Cirro oo kamid ah xildhibaanada ku dhow Madaxweyne Lafta-gareen ayaa muujinaysa in waanwaantii laga dhex waday labada dhinac aysan miradhal ahayn.

Waxaa muuqata in siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan maamul goboleedyada aysan col iyo nabad toona ahayn, wuxuuse madaxweynaha saamaynta siyaasad sumad la’aanta ah guran doonaa markasta oo maalmaha muddo xileedkiisu is guraan.

Si kastaba, tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Xasan kadib dhawaaqii kasoo yeeray Saciid Deni ayaa u muuqda kuwo markale sii fogeyn kara in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.