Sababta ay ITOOBIYA dhiillo ugu aragto isbahaysiga Soomaaliya iyo Masar

Addis Ababa (Caasimada Online) – Isbaheysiga Milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ka socda Geeska Afrika, taas oo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, waxaana jira walaac laga qabo in iskaashigu uu noqdo mid ka badan dagaal afka ah.

Xiisaddan ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar, taasoo muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii Agoosto la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono.

Itoobiya, oo kamid ahayd dalalka caawinayay Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka lagula jiro dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacida, isla markaana ay Masar isku hayaan biyo-xireen weyn oo ay ka dhistay webiga Niil, ayaa sheegtay in aysan “iska taagnaan doonin, xilli ay dowlado kale qaadayaan tallaabooyin xasillooni darro ku ah gobolka”.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay, isagoo yiri Itoobiya waa inay joojisaa “baroorta” iyadoo qof walba “uu goosan doono wixii uu beertay” taasoo muujineysa xiriirkooda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacay muddo bilo ah.

Maxay Itoobiya iyo Soomaaliya isku khilaafsan yihiin

Dhammaan xiisadahan waxa ay ku soo aadayaan ka dib hamiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo doonaya in dalkiisa oo aan bad laheyn uu yeesho deked. Itoobiya waxay lumisay marinkii badda markii ay Eritrea ka go’day horraantii sagaashamaadkii.

Maalintii sannadka cusub ugu horraysay, Abiy Axmed waxa uu jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland la saxiixday heshiis ay Itoobiya ku helayso 20-km (12-mile) oo xeebteeda ka mid ah muddo 50 sano ah si ay saldhig ciidan uga samaysato.

Waxa kale oo meesha ku jira in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland oo ay Somaliland lafteedu dabada ka riixayso.

Somaliland waxay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, laakin xukuumadda Muqdisho waxa ay leedahay weli waa dhulkeeda, waxayna heshiiskaas ku tilmaantay fal gardarro ah.

Isku daygii ilaa hadda la isku dayey in xiisadda lagu qaboojiyo oo uu Turkigu waday waa lagu guul-darraystay.

Maxay Itoobiya uga xun tahay fal-celinta Soomaaliya

Soomaaliya kaliya ma aysan keenin ciidamada dowladda Masar oo kaliya oo Itoobiya ay u aragto cadawgeeda, balse waxay sidoo kale shaacisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota.

Tani waa markii saddexaad ee ciidamo lagu daabulo Soomaaliya tan iyo markii hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika uu bilaabmay, kii ugu horreeyay waxaa la geeyay 2007 bilo ka dib markii ciidamada Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaab, oo markaas gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen, haddii aysan ka bixin heshiiska dekedda ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya waxay taasi u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda, “wax-u-huriddii ay askarta Itoobiya u galeen Soomaaliya”.

Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockney, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute.

Qorshaha la qorsheeyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudkeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doona mid cabsi gaar ah leh, ayuu raaciyay.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya oo ku yaal galbeedka dalka khatar jirta, waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto “tallaabo” haddii ammaankeeda la halis galiyo.

Si kastaba, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa markii horeba la tacaalayeen colaadaha gudaha dalalkooda ka jira, Itoobiya oo dagaallo jabhadeed ka jiraan gobollada qaar iyo Soomaaliya, oo ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo socday 30 sano, haddana waxaa weli socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Khubarada ayaa sheegaya in midkoodna uusan awood u yeelan karin dagaal kale iyo qalalaase.

Isha: BBC