Xildhibaanno ka horyimid mooshinka ka dhanka ah Fiqi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinka maanta laga gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Illaa 90 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan oo loo gudbiyay guddoonka sare, waxaana ujeedkiisa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda oo ay xildhibaannadu ku eedeeyeen inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda.

“Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnahan.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax oo isna qoraal soo saaray ayaa kula taliyay Xildhibaannada mooshinka keenay inay xeeriyaan waayaha iyo duruufaha diblomaasiyadda ee dalka, lana tixgeliyo dagaalka diblomaasiyadda ee uu hormuudka u yahay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Aragtiday ku aadan motion ka Wasiirka Arimaha Debedda Mudane Ahmed Moalim Fiqi

Waxaan aaminsanahay in ay shaqo weyn inoo hayaan saraakiisha addeega dibedda uu hormuud u yahay Wasiirka Arimaha Dibedda.

Waxaan qabaa iyada oo la xeerinaayo waayaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna, lana tix galinaayo dadaalka diplomacy ee dalka lagu difaacayo oo maanta maraya isgoys adag, in ay culays weyn nagu tahay, in khakhal la galiyo hogaanka diplomacy yadda dalka, iyada oo aan ogsoonahay sida qalloocan oo cadawgu u adeegsan karo, iyo dacaayadaha qaawan ee hadeerba ay wadaan.

Waxaan aaminsanahay in gacmo geel-jire, hoos loo dhaqi karo, lagana maarmo motion aan xeerineyn duruufaha iyo waayaha uu dalku ku jiro.

Waxaan qabaa in Wasiiro badan oo ay tahay in xilka laga xayuubiyaa ay jiraan. Wasiiro galay heshiisyo aan la garanayn waxa ku qoran, diidanna in baarlamaanka ay keenaan. Waxaa jiro heshiisyo dheef wadaag oo IMF iyo cid walba shardi ka dhigtay in la baahiyo oo la aaminsanyahay dalka in aan wax dan ah ugu jirin wasiiro galay oo u baahan isla xisaabtan.

Waxaa jira wasiiro dibindaabyeeya mashaariicda loogu dhiibay shacabkooda, qaybo ka mid ahna cunna qabateeya. Intaas iyo ka badan oo jira oo mudnaan isla xisaabtan leh, waxaan qabaa, in arimaha Wasiirka Arimaha dibedda in heer Guddiga Arimaha Dibedda iyo Guddiga joogtada lagu xallin karo, wixii xal iyo wadahadal u baahan talo ka sokeysa motion lagu dhammayn karo.

Waxaan aaminsanahay in Wasiir Axmed Fiqi uu yahay nin boos adag kaga jira dadaalada ilaalinta midnimada dalka iyo difaaca gobonimadeena cadawgu weerarka ku tahay.

وبالله التوفيق