Khilaafka RUTO iyo ku-xigeenkiisa oo meel xun gaaray – Maxay isku hayaan?

Nairobi (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa ayaa gaaray meeshii u xumeyd, kadib markii Rigathi Gachagua oo ah madaxweyne ku xigeenka Kenya uu shaaciyay in Ruto uu wado qorshe xilka looga xayuubinayo.

Mr. Rigathi Gachagua ayaa ku eedeeyay madaxweyne William Ruto inuu gadaal ka riixayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado, isagoo sheegay in xildhibaanada baarlamaanka loo soo badhigay midkiiba 5 milyan oo shilin, si ay u taageeraan xil ka qaadista isaga ka dhanka ah.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya qaarkood ayaa iska diiday inay qaataan lacagtaasi si ay u meel-mariyaan rabitaanka Ruto, sida uu warbaahinta maxalliga u sheegay Rigathi Gachagua.

“Isku-deygaas marnaba hakad gelin maayo dadaalkeyga ku aaadan in aan u ololeeyo danaha shacabkeygii i doortay,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo si weyn u weeraray William Ruto.

Hadalka Gachagua ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka la horgeyn doono baarlamaanka 1-da bisha 10-aad oo ku aadan maalinta Talaadada ee toddobaadkan, iyadoo saxiixyo kor u dhaafaya 300 la aruuriyay.

Gachagua ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay siyaasad ku salleysan kala qaybin, wiiqidda shaqada madaxweynaha iyo inuu qayb ku lahaa kacdoonadii looga soo horjeeday sharciga canshuur kordhinta ee dalkas ka dhacay bilihii lasoo dhaafay.

Si xilka looga qaado madaxweyne ku-xigeenka waa in la helo ugu yaraan saddex-meelood laba meel xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo “Haa” ugu codeeya mooshinka xil ka qaadistiisa.

1989-kii ayey aheyd markii ugu dambeysay ee madaxweyne ku-xigeen Kenya ah xilka looga xayuubiyay eedeymo lamid ah kuwa Gachagua uu wajahayo, waxaana si dhow isha loogu hayaa go’aanka uu baarlamaanka ka gaari doono mooshinkan.