Cabdulfataax Al-siisi oo war culus kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo dhammeysay akadeemiyada Booliska ayaa soo hadal qaaday iskaaashiga cusub ee kala dhexeeya Soomaaliya,

Cabdulfataax Al-siisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u taageerayaan sidii ay uga bixi lahayd xasilooni darrada haysata muddada 30 sano ah.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qorshaha Masar uu yahay in Soomaaliya kula loolanto Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile.

“Soomaaliya kuma taageereyno Itoobiya darteed, waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yiri madaxweyne Al-siisi.

Masar ayaa hadda sii xoojineysa saameynteeda gudaha Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dowladda federaalka la gashay heshiis difaac, xiilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland, kaas oo ay ka hortimid Soomaaliya.

Sidoo kale todobaadkii hore ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho kusoo xirtay markab siday hub, kaas oo ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Masar ay soo dirto ciidan kamid noqonaya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, waxayna geli doonaan booska ay hadda ku jirto Itoobiya.