Xog: Sidee AL-SHABAAB ku hesha baabuurta ay qaraxyada u adeegsato?

Muqdisho (Caasimada Online) — Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan gawaarida u adeegsata qaraxyada, waana mid kamid ah qaraxyada ugu saameynta badan kuwa loo adeegsado gawaarida.

Gawaarida ay kooxda u adeegsato qaraxyada ayaa u badan kuwa raaxada, waxaana baaris aan sameynay ku ogaanay in gaadiidka ay qaraxyada u adeegsato kooxda inta badan ay yihiin kuwa lasoo dhacay.

Qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nuuca Feilder loo yaqaan, waxa uuna ahaa gaari lagu dhacay gudaha degmada Afgooye sanadkii hore.

Gaarigan oo uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in la dilay ayaa waxay kooxda u adeegsatay gaarigiisa inay qarax uga fuliso gudaha caasimadda.

Gaarigan ayaa caadi ahaan ay xogta taargadu ahayd mid saxan, balse sida muuqata aan xogtiisa la baafin markii la dhacay ama aan laga taxadarin, islamarkaana aan la keydin xogta taargada gaarigan maadaama la dhacay.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in baabuur badan oo la dhacay ay jiraan dhanka kooxda Al-Shabaab, si ay ugu isticmaalaan qaraxyada.

Khubarada amniga ayaa qaba in hay’adaha amniga ay helaan dhammaan xogta gaadiidka la dhacay ee ka baxay gacanta muwaadiniinta, lana baafiyo, xogtoodana la dhigaa baraha ciidanka.

Dadka aad u taxliiliya ama ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xilligaan ku adag tahay inay baabuur cusub soo iibsadaan ama la soo degaan sababo la xariira cuna-qabteyna dhinacayada badan laga saaray, sidaas darteedna ay bilaabeen in ay dhacaan baabuurta  ka dibna ay ku fuliyaan qaraxyada.

Sidoo kale dadka muwaadiniinta ayaa iyagna waxaa la gudboon in markii laga dhaco baabuurtooda ay soo wargaliyaan laamaha ammaanka, si loo diiwaan-galiyo, ayna iyaga hadhoow wax dhibaato ah uga imaanin, islamarkaana looga hortago.