Xog: Maxa ka jira in muddo kororsi kale loo sameynayo madaxda dowlad goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ajendihiisa laga helayaa xogo hordhac ah oo ku saabsan qodobada miiska saaran ee la filayo in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka wadahadlaan.

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu damacsan yahay in muddo kordhintaas kadib ay dowlad goboleedyada ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo doorashada uu qaba doono guddi doorasho oo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabi doonto.

Ajendayaasha shirkaan ee aan la sheegin, balse Madaxtooyadu wadato waxaa ka mid ah in la ansixiyo dhismaha guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka dalka, iyadoo la kala dirayo guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la qorsheeyey in shirkaan lagu taageero dib u eegista dastuurka dalka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo in la ansixiyo qodobadii horay loogu heshiiyey ee sheegayey in la qabto doorashooyin dadweyne.

Lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto, dadka iyo siyaasiyiinta xil-doonka ahna loogu qanci doono inay xukunka sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada mudada dheer kursiga joogay oo horay u sameystay dhowr jeer muddo kororsi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa yiri “Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.”

Xasan Kheyre ayaa sheegay in sharciyaddu ay tahay ‘ruuxda dowladnimada’ isla markaana uu xusayo dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka rasmiga ah.

“Khibrad nagu filan ayaan u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharci darro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka,” ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan uu yahay in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.