DF oo soo saartay warbixin dheer oo 19 qodob ah – Aqriso qodobada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta toddobaadle ah oo ka kooban 28 qodob oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan, qoraalkaan waxaa soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna soo baxaa toddobaadkiiba hal mar.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.

Hoos ka aqriso qodobada warbixinta oo dhameystiran:-

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dimoqraadiyadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saaray maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo la wadaagay xaaladda dalka, guulaha dowlad dhiska, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlay horurmarka geediga dowlad dhiska Soomaaliya iyo xad gudubka xukuumadda Itoobiya ee madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxaana wadahadalkooda diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Istanbul ku soo xiray Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaana uu ammaaney doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay madal looga hadlayay horumarka dhaqaalaha iyo maalgelinta mustaqbalka Afrika oo ay soo qaban qaabisay hay’adda horumarinta Caalamiga ah ( IDA).

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi oo ka dhacdey magaalada Muqdisho.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirka Midowga Bangiyada Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah socday.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.

16- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yusuf Ahmed ayaa magaaladda Kampala uga qeybgalaya shirka Madaxda Garsoorka dalalka Bartamaha, Bariga iyo Koofurta Afrika.

17- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo dalka Azerbaijan uga qayb galay sanad guuradii 5-aad ee Bandhigga Difaaca “ADEX”, oo ka dhacay magaalada Baku, Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray horumarka tiknolojiyada difaaca ee dalalka caalamka.

18- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ayaa daah-furay imtixaanka gelitaanka Jaamacadda Ummadda oo ay u fadhiisteen arday ku dhow 4000 oo arday.

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis gaaraya $68.5 milyan oo dollar kula saxiixatay Dowladda Mareykanka.

20-Wasiirka Arimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Hakan Fidan, waxayna ka wadahadleen ka miradhalinta wada-hadallada Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson, iyagoo ka wadahadley hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

22-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al Makhzoumi, ayaa ka qeybgashay shir looga hadlayey yoolka cusub ee Miisaaniyadda Cimilada oo ka dhacay magaalada New York.

23-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Cumar ayaa ka qeybgalay shirka wasiiradda isbaheysiga caalamiga ee la dagaalanka ISIS oo ka dhacay magaalada Washington.

24-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgaley xaflad lagu dhaarinaayeey saraakiil Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025 oo ka dhacdey Kuliyadda Tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho.

25-Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabtay qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka dhacaya Muqdisho.

26-Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Siciid Maxamed Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyeynta ee Masar Injineer Sherif El-Sherbiny iyagoo ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

27-Taliyaha Cuusb ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb. Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

28-Mid ka mid ah xubnaha Khawaarijta, Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

==============DHAMMAAD=============