Golaha ammaanka oo shir xasaasi ah ka yeelanaya xaaladda SOOMAALIYA

New York (Caasimada Online)  – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay kulan ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacaya xarunta guud ee golaha oo ku taalla magaalada New York.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono wakiilka KMG ah Xoghayaha Guud, James Swan, ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef oo sidoo kale ah madaxa ATMIS, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha siyaasadda ee ka taagan gudaha dalka.

Sidoo kale waxaa golaha lala wadaagi doonaan warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isbeddalada dhacay iyo arrimaha kale ee soo kordhay, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed uu la galay Somaliland.

Golaha ayaa la filayaa in uu soo saaro warbixintiisa ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale xiisadda Geeska oo ay ku jirto khilaafka kasii daraya ee  Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu haatan sii dhamaanayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) bisha Oktoobar 31, iyada oo James Swan uu kulanka kaga hadlayo xaaladda dalka ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, howlgalka cusub ee UNCT oo muddo labo sano ah sii socon doona, dib-u-eegista dastuurka iyo habraacyada doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana taagan xiiad siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo marba marka ka dambeysa kasii dareysa.