Qodobada miiska u saaran Golaha Wadatashiga iyo waxa laga filan karo shirkaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo Puntland aysan ku jirin ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana miiska saaran qodobo xasaasi ah oo ku saabsan masiirka dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi oo shirkan faahfaahin kooban ka siiyey warbaahinta ayaa sheegay in maanta madaxdu ka doodeen qodobada hortabinta u leh dowlad-dhiska, la-dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

”Maanta waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino la xiriira xaaladaha nabadgelyo, iyo horumarka ee guud ahaan dalka,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Madaxda ka soo qayb gashay kulanka ayaa aragtiyo kala duwan ka leh arrinta doorashooyinka oo ah tan ugu xiisaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay sugayaan go’aanka ay ka gaari doonaan xubnaha ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Laba qodob oo midba kan kale ay dhici karto inuu ku xiran yahay ayaa laga yaabaa in shirka ay ka soo baxaan, waana muddo kororsi ama jadwal doorasho oo dhow.

Ugu yaraan seddex ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa ayaa bisha soo soocota ee November waxaa lagu wadaa in ay ka dhamaato mudada xil-haynta, waxaana adkaanaysa in wakhti kale loogu daro, maadaama ay horay u sameysteen muddo kororsi, siyaabo kala duwan loo farsameystay.

Arrintaas waxaa aad uga qayliyey qaar ka mid ah mucaaradka oo haddiiba ay dhacdo u arka in lagu tumanayo nidaamka dimuqaraadiyadda, sidoo kale mucaaradka ayaa qaba tuhun badan, iyagoo ka shakisan in xitaa madaxda dowladda federaalka ay damacsan yihiin muddo kororsi.

Caasimada Online waxay heysa xogta in madaxda dowlad goboleedyada qaar ay doonayaan inay doorasho qabsadaan, balse dowladda federaalka ayaa kula dhegan, maadaama ay qorsheysatay inay hoggaamiso doorashooyinka dalka iyo nooca ay noqonayaan ama u dhacayaan, taasi oo hadda ka mid ah qodobada laga tashanayo.

Mucaaradka ayaa ka sii digay in lagu fekero muddo kororsi, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa xalay golaha ugu baaqay in aysan qaadin wadada halista badan ee muddo kororsiga, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in dhamaan dowlad goboleedyada laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha 11-aad 2025, taas oo hadii ay dhacdo ka dhigan muddo kororsi kale oo hal sano ah.