Xisbiga Sheekh Shariif oo war culus kasoo saaray shirka ka socda Vill Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah xubnaha xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saaray qodobo xasaasi ah.

Shirkan oo lagu falan-qeeyay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan shirka magaalada Muqdisho uga socda qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa waxaa madasha looga digay inay soo saarto go’aanno uga sii dari kara xaaladda taagan.

“Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah,” ayaa lagu yiri qodobada kasoo baxay xisbiga Sheekh Shariif.

Hoos ka aqriso qodobada oo dhameystiran;

1. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

2. Xisbigu wuxuu adkeynayaa, una soo jeedinayaa GWQ in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalka, kaas oo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan.

3. Xisbigu wuxuu Madaxweynaha JFS ugu baaqayaa in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku haayo dowlad goboleedyada.

4. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

5. Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.

6. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba.

7. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JFS in uu wax ka qabto xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalada sokeeye ee ka ka socda meelo badan oo dalka ka mid ah, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo midoobo cadawga ummadda Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, kana hor yimaadaan wax walba oo kala geynaya midnimadooda iyo wadajirkooda.