Fahad: Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay goorta ay Jubbaland u abaal-gudeyso Puntland, xilli uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maqnaanshaha Puntland soo saaray miiska shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Villa Soomaaliya.

Fahad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Puntland ay abaal siyaasadeed aan lasoo koobi karin ku leedahay Jubbaland, marka loo fiiriyo duruufihii adkaa ee siyaasiga ahaa ee Saciid Deni uu kala soo dabaashay Axmed Madoobe.

“Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad.

Sidoo kale waxa uu yiri “Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.”

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND?

Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.

Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.

Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland la’aanteed aanan go’aanno masiiri ah la gaari karin.

Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono.