Howlgal lagu laayay SHABAAB badan oo ka dhacay SH/HOOSE + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo Jimcihii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan Al-Shabaab ahaa.

Howlgalka oo ay fulisay guutada 7-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiya waxaa howlgalka lagu dilay illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay 30 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa la gubay inta uu howlgalka socday gaari caasi ah oo ay lahayd kooxda,kaas oo goobta ku basbeelay.

“In kabadan 24 dhagarqabe ayaa Khawaarijta halkaasi looga dilay iyo dhaawaca tiro kabadan 30 dhagarqabe, waxaana laga gubay Gaari caasi ah, iyaggoo ka cararay boorso ay ku jireen Daawooyin” ayaa lagu yiri qoraal ay shaacisay Warbaahinta Codka Ciidamada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maydadka xubnaha laga dilay kooxda ay horay usii qaadatay, isla markaana ay gaysay deegaanada Buulo Madiino iyo Cumar Beyre, si halkaasi ay ugu aasaan.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay sida xoogan uga socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada gobolkaasi.