Sawirro: Sarkaal farriin ka sida dalalka Bariga Afrika oo tegay wasaaradda gaashaandhigga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Cumar Cali iyo Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay xoojinta Amniga gobolka iyo halista Argagixisada.

Waxaa kale oo ay kawada hadleen sida loo dardar galin karo dagaalka Khawaarijta.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa isla maanta kulan muhiim ah layeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema.

Taliye Ibraahim iyo Paul Kahuria ayaa ka wada hadlay Amniga gobolka, Qatarta Argagixisada iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa  kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan ayaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya u muujiyey in wadamada Geeska Afrika ay heegan ugu jiraan taageerada Soomaaliya, wuxuuna balan-qaadoaan militery ee muhiimka ah uu ku soo aadayaa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo khilaaf adag oo qarka u saaran gacan ka hadal.